Socdaalkii Dheeraa«Buuggan Socdaalkii Dheeraa waxa qorey qoraaga caanka ah ee Sayid M. Yuusuf, oo ah, gudoomiye ku xigeenka ururka qorayaasha Soomaaliland ee saldhigoodu yahay waddanka Sweden, waana buuggiisii labaad ee uu qoro. Buuggan waxa hadiyad ahaan iigu soo diray qoraaga buugga bishii koowaad ee sannadkan aakhirkeedii, judhiiba magaca buuga ayaa soo jiidasho xiiso leh igu abuuray. Magaca buugga ayaad ka dhadhansan kartaa macluumaadka uu gudbinaayo oo dhan. Ugu horreyn soo jiidashada jeldiga waxa ka mug iyo miisaan weyn magaca buugga, waxaanan odhan karaa buuggan “Socdaalkii dheeraa” buug magaciisa helay dheh! Sababtoo ah; Waxa dhib badani ka taagan tahay sidii loo heli lahaa magac buuxin kara macluumaadka uu buuggu gudbinaayo, waana dhif iyo naadir buuggaagta ay qoraan aqoonyahannadeenu in ay u dooraan buuggooda magaca ugu habboon ee tilmaamaaya macluumaadka u xambaarsan yahay buuggu…» Waa dhigane ku saabsan qixitaan iyo socdaal biimo ah. Sii akhriso falanqeyntii uu ka qoray Khalid Jama Qodax! | |
Literature of Somali Onomastics & Proverbs• Anwar Maxamed Diiriye • Literature of Somali Onomastics & Proverbs • Gobaad Communications & Press, Minneapolis, 2006 • ISBN: 0-9726615-1-4 • List price: 25.00 USD • Price: 25.00 USD From the forward:This Somali-English dictionary of Somali onomastics and proverbs is the result of a monumental effort on the part of the young Somali scholar, Mr. Anwar Maxamed Diiriye. It attempts to produce a reliable reference work that can serve not only the needs of any outsiders curious about Somali language and culture but also the crying needs of a new Somali generation in the diaspora who are either cut off or alienated from such culture. Library of Congress Catalog Number: 2005939091 Language: Bilingual (Somali & English) | |
LADH«Waxaan halkan ku soo gudbinayaaa gorfaynta buugga sheekada "Ladh" ee uu qoray Cabdillaahi Cawed Cige. Waxaan filayaa in buuggani yahay mid akhris iyo falanqayn hoose oo qoto leh in laga sameeya istaahila. Waxaase nasiibdarradu tahay in sideedaba ay sheeko qoraalku nagu yartahay oo aan aqoon fiican loo lahayn iskabaddaa in gorfayn iyo falanqayn lagu sameeyee. Sheekada oo aan qiyaasayo in cid falanqayn cilmiyeed ka bixisay ay yartahay, ayaan waxaan halkan ku samaynayaa gorfayn dulmar ah iyadoo aan rajaynayo in halkaas laga sii wado oo laga sii qaado balse aan anigu rabo in aan daah furid iyo iftiimin yar aan ka sameeyo…» Sii akhriso falanqeyntii uu ka qoray Mahad Muuse Xirsi! | |
Is-DhiibBuuggan IS-DHIIB, waa buug ka hadlaya khatarta suudaalka iyo socdaalka la iskaga goosho dalal kala duwan | |
Aanadii Negeeye"Aanadii Negeeye" waa sheeko culus oo raadgoobaysa diillimaha kala jaadjaadka ah ee jeegaanta maskaxda aadamiga: mar waa siqiir danbi-laawe ah oo bulshaduu ku korayaa ay xumaan ku habayso; marna waa cadaawad lagu bogsiinayo aargoosasho, kufsi, dhac, tuugo, xatooyo xoolo dadweyne; marna waa bayaaminta itaaldarrida aadamiga oo waa kalgacal iyo jacayl nadiif ah; mar waa damac adduun iyo cidi kaama sarrayso ku taam; marna waa xaqiijinta waxa ummad dhan nolosheedii maanta ka dhigay ummad la’aan. Waxay sheekadani tahay digniin ah wixii dhacay, ee ku dhacay soomaali, waa wax soo noqon kare e, ummadyahay ka digtoonaada. | |
GURI WAA HAWEEN"GURI WAA HAWEEN" ayuu yidhi qoraagu: | |
Hal Ka-Haleel«Dhawr iyo toban gu’ ka hor waxaa uu qoraaga Soomaaliyeed ee sheekooyinka gaaban iyo qoraal tibaaxeedka (essays) ku dooday in konton sannadood kadib dhallinyarada Soomaaliyeed ee xilligaa ay ku adkaan doonto akhriska Hal Karaan, waa diiwaanka maansada Hadraawi e. Siciid Jaamac Xuseen wuxuu tilmaamayey sida af Soomaaligu ku sugan yahay xaalladda nasiib darrada ah ee la soo darastay Soomaalida awgeed: dagaal sokeeye oo keli talisnimo ka dhashay, dawlad la’aan iyo qax.» Sii akhriso falaqeyntii Liiban Axmed! |










